By / 8th October, 2017 / / Off

Akhriste Hadii aan mooganahay Mudo Kow iyo Toban Sanno ah uu Xillka hayay Gudoomiye Cirro ma haysaa Cadaymo cad oo muujinaya Qudbad dareen Wadaniyadeed Xambaarsan uu u jeediyay Xilldhibaanada Golaha Wakiilada isagoo ku baraarujinaya kuna dardar galinaya Gudashada Xillka Qaran ee ay hayaan iyo ka fogaanshaha Laaluushka? S/land Sidoo kale Murashaxa kaliya ee u Taagan Kursiga Madaxwaynaha ee Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro waxaa lagu dhaliilaa in uu Sabobay in Golihii Wakiilada u horeeyay ee Bulshada S/land Codkooda si toosa ugu soo doortaan uu noqdo Golihii Baarlamaanka ee ugu talada xumaa, uguna tayada xumaa, uguna mudada dheeraa ee soo mara S/land iyadoo Dhaliishaa culus marag cad looga dhigayo in Gudoomiye Cirro uu ka danaystay Hogaamintii Golaha halka ay ahayd in Golaha Wakiiladu ay u shaqeeyaan Bulshadii soo dooratay oo soo saaraan Xeerka lagu soo dooranayo Golaha Wakiilada , Xeerka kala xadaynta Dagmooyinka iyo Gobolada, Xeerka Shaqaalaha Rayidka ,Xeerka kala Xadaynta Ganacsiga , Xeerka wax soosaarka beeraha ,Xeerka Dhulka iyo Lahaanshihiisa , Xeerka Taawarada Isgaadhsiinta ee Magaalooyinka Gudahooda lagu Taagay,iyo Xeerar Kale oo Qeexaya Horomarinta Nolosha Bulshada Danyarta u badan ee S/land Hadii aanad hayn Cadaymo cad ma mudanyahay in uu madaxwayne ka noqdo Jamhuuriyada S/land?